Sharciyada Meelaha Gawaarida La Dhigto ee Xilliga Gurmadka barafk

Request accessible format

If you need help with this information, please email 311, or call 311 or 612-673-3000.

Please tell us what format you need. It will help us if you say what assistive technology you use.

About

Si Dhaqso ah u Riix: Maalinta 1aad | Maalinta 2aad | Maalinta 3aad

Maalinta 1aad - 9ka fiidnimo ilaa 8da subaxnimo (habeen-gudihiis)

Gawaarida waxaad dhigataan labada dhan ee waddooyinka ku qoran waddooyinka aan-ahayn Gurmadka Barafka (Kuwani MA LAHA calaamada casaanka ah ee Snow Emergency Route)..

Gurmadka Barafka waxaa lagu dhawaaqi doonaa waqti aan ka badaneyn 6da galabnimo ee maalinta loo qabto. Saacaddu marka ay tahay 9ka fiidnimo ee maalintaasi, Sharciyada meelaha gawaarida la dhigto ee xilliga Gurmadka Barafka waa bilaabanyaan

Gawaarida ha dhiganina dhinacyada waddooyinka leh calaamada casaanka: Snow Emergency Route. Gawaarida barafka xaaqa waddooyinka ayaa marka hore nadiifin doonaan.*

*Ka dib marka wadada si buuxda loo xaaqay ilaa meesha dadka ku socdaan (maarshibiyeedaha), gawaarida si xor ah u dhigata, xitaa haddii sharciyada meelaha gawaarida la dhigto ee xilliga Gurmadka Barafka ay weli socdaan. Si buuxda ayaa barafka loo xaaqay macnaheedu waxa weye in wadada si dhamaystiran loo nadiifiyey barafkana laga xaaqay ilaa maarshibiyeediga. Baraf xaaqidda waxaa laga yaabaa in ay soo noqoto mar wax ka badan, sidaas awgeed waxaad hubisaa in si buuxda barafka loo xaaqay ilaa maarshibiyeediga ka hor inta aadan dhiganin gawaarida.

Waa maxay Wadada Gurmadka Barafka? 

Maalinta 2aad - 8da subaxnimo ilaa 8da fiidnimo

Saacaddu marka ay tahay 8da subaxnimo, Maalinta 2 sharciyada meelaha gawaarida la dhigto ayaa bilaabanaya:

Ha dhiganina gawaarida dhanka DHABANKA ee waddooyinka aan-ahayn Gurmadka Barafka. (Tusaale: guriga lambarka cinwaankiisu yahay: 1356 Maple ama 2512 17th Ave.)

Ha dhiganina gawaarida dhinacyada waddooyinka gawaarida la dhigto (bargooyada*)

Gawaarida waxaad dhigataan dhanka kisiga ee waddooyinka aan-ahayn Wadada Gurmadka Barafka (tusaale: guriga lambarka cinwaankiisu yahay: 1359 Maple ama 2513 17th Ave.)

Gawaarida waxaad dhigataan dhinacyada waddooyinka leh calaamada casaanka: Snow Emergency Route.

 

*Ka dib marka wadada si buuxda loo xaaqay ilaa meesha dadka ku socdaan (maarshibiyeedaha), gawaarida si xor ah u dhigata, xitaa haddii sharciyada meelaha gawaarida la dhigto ee xilliga Gurmadka Barafka ay weli socdaan. Si buuxda ayaa barafka loo xaaqay macnaheedu waxa weye in wadada si dhamaystiran loo nadiifiyey barafkana laga xaaqay ilaa maarshibiyeediga. Baraf xaaqidda waxaa laga yaabaa in ay soo noqoto mar wax ka badan, sidaas awgeed waxaad hubisaa in si buuxda barafka loo xaaqay ilaa maarshibiyeediga ka hor inta aadan dhiganin gawaarida.

Waa maxay KISI iyo DHABAN macnaheedu?

Waa maxay waddooyinka gawaarida la dhigto (baargooyada)? 

Maalinta 3aad - 8da subaxnimo ilaa 8da fiidnimo

Saacaddu marka ay tahay 8da subaxnimo, Maalinta 3 sharciyada meelaha gawaarida la dhigto ayaa bilaabanaya:

Ha dhiganina gawaarida dhanka kisiga waddooyinka aan-ahayn Wadada Gurmadka Barafka (tusaale: guriga lambarka cinwaankiisu yahay: 1359 Maple ama 2513 17th Ave.*

Gawaarida waxaad dhigataan dhanka dhabanka waddooyinka aan-ahayn Wadada Gurmadka Barafka (Tusaale: guriga lambarka cinwaankiisu yahay: 1356 Maple ama 2512 17th Ave.)

Gawaarida waxaad dhigataan dhanka waddooyinka leh calaamada casaanka: Snow Emergency Route iyo waxaad dhigan kartaan gawaarida waddooyinka baargooyada.

*Ka dib marka wadada si buuxda loo xaaqay ilaa meesha dadka ku socdaan (maarshibiyeedaha), gawaarida si xor ah u dhigata, xitaa haddii sharciyada meelaha gawaarida la dhigto ee xilliga Gurmadka Barafka ay weli socdaan. Si buuxda ayaa barafka loo xaaqay macnaheedu waxa weye in wadada si dhamaystiran loo nadiifiyey barafkana laga xaaqay ilaa maarshibiyeediga. Baraf xaaqidda waxaa laga yaabaa in ay soo noqoto mar wax ka badan, sidaas awgeed waxaad hubisaa in si buuxda barafka loo xaaqay ilaa maarshibiyeediga ka hor inta aadan dhiganin gawaarida.

Contact us

 

Minneapolis 311

 
 

Office hours

7 a.m. – 7 p.m.
Monday – Friday