Aan dhaq-dhaqaaqno!

In xarakaad la sameeyaa waa ay ka sahlan tahay sida aad u malaynayso!

Xarakada jirka laga sameeyaa waa ay ka sahlan tahay sida aad u malaynayso, waana wax walba oo aad sameyso – mar walba oo aad dhaq-dhaqaaqdo!

Waa wax walba oo jirkaaga dhaqaajiya, sida socodka, ruclaha, orodka, buskuleetiga iyo ciyaarida banoonida. Sidoo kale waa wax walba oo aad guriga gudahiisa ku sameyso! Sida ka shaqeynta guriga, fuulida jaranjarada, qoob-ka ciyaarka, yoogada, ciyaarida kubada kolayga, biro qaadida, ciyaarida, jimicsiga, fadhiga iskala bixinta ah iyo waxyaabo kale.

Hawada xilliga qaboobaha iyo waxyaabo badan oo la xadiday in la sameeyo iminka si looga hor tago faafida cudurka COVID-19, ayaa runtii ka dhigi kara waxa dhib badan in la caadeyso in si joogta ah xarakaad loo sameeyo, taa oo khatar kolkaa noo gelinaysa inaan qabatino nolol iska fadhi.

Laakiin waqtiyadan oo kale, aad ayey muhiim u tahay in dhamaan dadka da’aha kala duwan jira ama leh naafanimada ka duwani inay intii suurta gal ah ay xarakaad sameeyaan waayo ka shaqeysiinta jirkaagu waxa ay caawin kartaa bilida caafimaadkaaga jireed iyo kan maanka.

Ma jiraan qaab ‘sax’ ah ama fiican oo loo dhaq-dhaqaajiyo jirka. Maankaaga iyo jirkaagu waa ay jeclaysan doonaan qaabka aad go’aansato inaad u dhaq-dhaqaaqdo.

Shaqo kuma laha cidda aad tahay, waxa aad sameynayso ama meesha aad joogto, mar walba waa aad ku dari kartaa xarakaad dhaq-dhaqaaq waqtigaaga maalintii! Waa aad heli kartaa qaab sida ugu fiican adiga kuugu shaqeeya! 

 

Waa maxay sababta jimicsigu uu muhiim u yahay xilliga dillaac cudurka a COVID-19 ka?

Jimicsiga joogtada ahi waxa uu caawiyaa bilada caafimaadkaaga guud iyo tayada nolosha

Cudurkan dillaacay ee COVID-19 waxa uu wax ka bedelay sida dadku ay u nool yihiin, u dhaq-dhaqaaqaan, isu dhex galaan iyo sida ay uga qayb galaan hawl-maalmeedka. Marka laga reebo raacida taxadarada kale sida xirashada af-duubka, dhaqida gacmaha iyo ka fogaanta dadka kale, difaaca koowaad ee iska ilaalinta cuduradu waa habka difaaca ee jirka.

Dhaq-dhaqaaqa iyo xarakaadka jirku waxa uu caawiyaa xoojinta habkaaga difaaca ee jirka kaa oo fure u ah ka ilaalinta jirkaaga jiro ama caabuq.

Faa’iidooyinka kale ee ay leeyihiin jimicsiga jirku waxaa ku jira:

  • Hoos u dhiga heerka dhiiga-karka iyo hagaajinta caafimaadka wadnaha
  • Yareynta qaadida dhowr cudur sida sonkorowga, kansarka iyo cudurada wadnaha
  • Gargaarida caafimaadka maanka iyo xasuusta
  • Xoojinta lafaha iyo murqaha
  • Yareynta walwalka iyo saska
  • Dhisashada adkaysi dhanka caadifada ah
  • Caawinta xakameynta miisaanka qofka iyo naaqusinta khatarta shilis noqodka
  • Kordhinta heerarka tabarta iyo hirgelinta fal sameynta
  • Hagaajinta hurdadda
  • Ka dhigidaada adiga qof dareema fiicnaan iyo caafimaad qab

 

Intee weeye xakaraadka jireed ee lagu taliyo in la sameeyo?

Cadad walbaa waa uu ka fiican yahay wax la’aan

  • Dadka waaweyn, ee naafada ah ama aan ahayn, waa inay sameeyaan ugu yaraan 150 daqiiqo oo xarakaad dhexdhexaad ama mid daran ah asbuuc walba iyo waliba murqo-dhisid iyo jimicsi wadno xoojin ah ugu yaraan labo maalmood asbuucii.  
    • Xarakaadka waxaa loo kala jajabin karaa qabyo yaryar, sida 25 daqiiqo oo maalintii walba.
    • Kolka dadka waaweyn ee naafada ahi aysan awoodin inay ka soo baxaan habraacyada kor ku xusan, waa inay sameeyaan xarakaad jirka oo joogta ah oo ku salaysan waxa ay awoodaan inay sameeyaan, waana inay iska ilaaliyaan sameyn la’aanta waxba. Dadka waaweyn ee naafada ah waa inay kala hadlaan dhaqtarkooda cadadyada iyo noocyada xarakaadka jireed ah ee ku haboon karaankooda.
  • Ilmaha iyo kurayda jira 6 ilaa iyo 17 waa inay sameeyaan ugu yaraan 60 daqiiqo oo jimicsi ah maalin walba oo ah xarakaadyada murqaha iyo lafaha dhisa ugu yaraan sedex maalmood asbuucii.   

 

Sida loogu daro xarakaadka jir dhaq-dhaqaajinta hawl-maalmeedkaaga? 

 

  • In yar fadhi. In badana dhaq-dhaqaaq! Fadhiga badan yaree/waqtiga nasiinada ah adigoo xarakaadyo yaryar sameynaya maalinta oo dhan.
  • Xakaraadka joogtada ah ee jirka laga sameeyaa waxa uu bixiyaan faa’iidooyin caafimaad oo ka badan kuwa jimicsiyada daran ee marmarka kala fogfog la sameeyo, kolkaa dooro jimicsiyo ay u badan tahay inaad ka hesho waxa aadna kuwaa ku dari kartaa qaybna ugu dhigi kartaa jadwalkaaga iyo hab nololeedkaaga.
  • Hel nooca xakaraadka ah ee adiga sida ugu fiican kuu anfacaya.
  • Ku dadaal intii aad awoodo inaad hesho maalin walba waqti aad ku dhaq-dhaqaaqdo. Xataa qadar waqti yar ah oo maalin walba ahi waa wax u fiican caafimaadkaaga.
  • Ku darida xarakaadka dhaq-dhaqajinta jirka waxyaabaha aad kor iyo hoos sameynayso sida hawsha shaqada guriga, u muraadsiga suuqa, shaqo aadida, iwm.

 

Aan Dhaq-dhaqaaqno!  guriga   

  • Fiidyowyada jimicsiga ee YouTube, Instagram iyo rugaha kale Shabakada (Internet)
  • Ku dar dhaq-dhaqaayo kale inta aad sameynayso hawsha guriga: dhaq-dhaqaaqaaga dardar geli kolka aad guriga faakiyuumayso, samee kada loobsiyo kolkaa aad dharka dhaqayso, talaabooyin badan qaad kolka aad cuntada karinayso
  • Kula ciyaar ilmaha daarada dambe ee guriga
  • Xaafada ku dhex lugee
  • Qoob ka ciyaar ku samee guriga dhexdiisa
  • Hadii guriga adigoo jooga aad shaqeyso, qaado qadar 5-daqiiqo ah oo nasiino ah saacad walba si aad isu kala bixiso aadna u dhaq-dhaqaaqdo istaagna xilliga kulanada
  • Samee jimicsi is-kala bixin ah ama samee waxa la yiraa yoogada
  • Jaranjarada kor iyo hoos u qaado inta aad ku hadlayso telefanka
  • Eygaaga banaanka u saar oo wada lugeeya
  • Ka eeg talooyin kale halkan 

 

Aan Dhaq-dhaqaaqno! Goobta shaqada inta aan joogno

  • Uga dago tareenka ama baaska meel hore ka dibna u lugee shaqada
  • Dhigo gaarigaaga meel ka yare dheer shaqada kadinkeeda ka dibna lugee
  • Tixgeli inaad shaqada buskuleeti ku tago
  • Si xayinimo leh u soco kolka aad lugaynayso ama u kala socoto kulanada
  • Socod degdeg ah soo samee qadada ka dib
  • Raac jaranjarada intii aad wiish raaci lahayd
  • Hadii aad fadhi ku shaqayso, isku day inaad istaago si aad isu kala bixiso

 

Aan Dhaq-dhaqaaqno!  Waqtiga aad firaaqada leedahay 

  • Ku or-orod barxadaha ku yaal deegaankaaga
  • Kolka aad suuqa u baxdo, tiri inta talaabo ee aad qaaday hadafna degso
  • Kubad tuur ciyaar (hadii aan la xadidin)
  • Soo hel barkadaha dabaasha ee deegaankaaga  
  • Banooni kula ciyaar ilmahaaga dibada iyo gudahaba.
  • Ku dar lugeyn ama buskuleeti raacid qorshaha jadwalka qoyskaaga.
  • Sahami waxyaabaha dabiiciga ah ee deegaankaaga adigoo duurka isaga lugeynaya  

 

Kooxaha iyo ururada bulshada

Ololaha xarakaadka jirka ee “Aan Dhaq-dhaqaaqno" waxa uu bayaamiyaa faa’iidooyinka badan ee ay leeyihiin caadaysiga xarakaad sameyntu waxa uuna bixiyaa habraac ku saabsan siyaabaha kala duwan ee loogu dari karo xarakaadka jirka hawl-maalmeedka. 

Ololaha waxaa ku jira xirmo wada xiriirida ah (Ingiriiska iyo Isbaanishka) oo ay ku jiraan warqado la daabici karo oo kuwa darbiyada lagu dhajiyo ah iyo fiidyowyo gaa-gaaban. Alaabooyinkaas waxaa heli kara ururada hadda ka hawlan xooga saarida ka hirgelinta sameynta xarakaadyada iyo dhaqdhaqaayada bulshooyinka ay u adeegaan.

Haddii ay kooxdaadu jeclaan lahayd inay codsato alaabooyinkaa iyo/ama ay doonayso in lala wadaago dadaaladaa si looga caawiyo beeshaada sameynta xarakaadyada, fadlan emayl ugu dir hay’ada (Healthy Living Initiative) ciwaanka ah healthyliving@minneapolismn.gov 

 

 

 

Request accessible format

If you need help with this information, please email 311, or call 311 or 612-673-3000.

Please tell us what format you need. It will help us if you say what assistive technology you use.

Contact us

Healthy Living

Health Department

Phone

612-673-3019

Address

Public Service Building
505 S Fourth Ave, Room 520
Minneapolis, MN 55415
 

Office hours
8 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday