Akhbaarta cudurka Koroonaha oo ku qoran afka Somaliga

Akhbaar xayaysiin, macluumaadka xidhiidhka, baaritaanka COVID-19 oo lacag la’aan, liiska gargaarka iyo xaaladaha degaanka.

Vaccine or testing requirement sign in Somali

 Mask sign for businesses Somali

Talaalka COVID-19 ama cadeynta sheybaarka ayaa lagaa doonayaa si aad u gasho goobaha cuntada iyo cabitaanka

Laga bilaabo 19ka Janaayo qof kasta oo galaya goobaha iibiya cuntada iyo cabitaanka ee Mineeapolis waxaa laga doonayaa inuu keeno cadeyn muujineysa inuu qaatay dhamaan talaalka COVID-19 ama natiijada sheybaarka PCR oo la qaaday sadex maalmood gudahood oo cadeeynaysa in aadan qabin cudurka. Shuruudahan waxa ay ka dhaqan galayaan 26ka Janaayo dhamaan goobaha dadweynuhu isugu yimaado ee tigidhada lagu galo. Maanta, Duqa Magaalada waxa uu saxiixay amarka xaaladda degdegga ah ee 2022-5.

Talaalka COVID-19 waxa uu yareeyaa xaaladda khatarta ee keeni karta in bukaanka cisbitaalka loo dhigo COVID-19 iyada oo cilmi baaristu cadeysay inuu yareeyo faafinta cudurka ee dadka aanay ka muuqan wax calaamado ah. Iyada oo lagu xoojinayo amarkii xirashada af daboolka ee dhamaan goobaha dadweynaha, sharcigan degdegga ah waa mid loola jeedo in lagu ilaaliyo caafimaadka dadweynaha, yareynta culayska saaran isbitaalada iyo shaqaalaha caafimaadka, iyo in dugsiyada iyo goobaha ganacsigu furnaadaan. 

Dadka iyo goobaha ganacsiga ee amarkan uu khuseeyo

Amarka la xiriira talaalka waxa uu khuseeyaa goobaha iibiya cuntada iyo cabitaanka oo ay ka mid yihiin:

  • Gudaha makhaayada, goobaha lagu qaxweeyo, iyo goobaha qaxawaha ee leh meel la fariisto (tusaale ahaa goobaha qaxwaha, jimicsiga)
  • Baararka.
  • Goobaha ciyaaraha ee lagu dhex iibiyo cunto iyo cabitaan goobta lagu cuno.
  • Goobaha madadaalada sida tiyaatarada iyo ciyaaraha bowling ee lagu iibiyo cuntada iyo cabitaanka laguna dhex cuno.
  • Goobaha kulamada lagu qabto (haddii lagu qeybiyo cunto), goobaha xafdladaha, iyo cuntada(haddii ay goobtaasi gaar u tahay makhaayad).  

Waxyaabaha laga reebayo:

Waxaa ka reeban ilmaha ay da’doodu ka yar tahay 5 jir oo si fudud looga baari karin COVID-19, ciyaartoyda, bandhigayaasha, iyo shaqaalaha la shaqeeya,  (sida tababarayaasha, macalimiinta iyo shaqaalaha kale) ee bandhig ku sameynaya goob dadaweynaha u furan; K-12 iyo goobaha caruurta lagu hayo; isbitaalada, goobaha dadku isugu yimaado ee ka baxsan guryaha ama goobaha caafimaadka; goobaha cuntada diyaarsan laga qaato, cuntada iyo cabitaanka goobaha cibaadada, cuntada banaanka lagu cuno, cuntada dukaamada lagu iibiyo, iyo goobaha kale ee cunada iibiya iyo waxyaabaha kale marka laga reebo goobaha leh kuraas la fariisto oo lagu cunteeyo ee dukaanka gudihiisa; goobaha maraqa iibiya, iyo kuwa u adeega dadka aad u nugul (sida cuntada dadka ay dadka u diyaariyaan).

Dadka waa in ay soo gaarsiiyaan 311 goobaha sharciga jabiya. 

Macluumaad dheeraad ah waxa aad ka heli kartaan bogga internetka ee Magaalada.

Sidee ayaad ku heli kartaa talaalka lacag la’aanta ah:

  • Isticmaal bogga internetka ee gobolka Khariidadda Goobaha Talaalka si aad u ogaato goobta kuugu dhow.
  • Halkan ka hubi balanta talaalka Vaccines.gov, halkaas oo aad ka raadsan karto balanta iyo nooca talaalka (sida, Pfizer).
  • La xiriir dhakhtarkaaga caafimaadka ama farmashiyaa degaanka aad degan tahay.
  • Khadka Telefoonka ee Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ee CoVID-19 1-833-431-2053 laga bilaabo 9ka aroornimo ilaa 7da aroornimo Isniinta-Jimcaha, 10ka aroornimo - 6da galabnimo Sabtida. 

Barnaamij Idaacadeed oo Somali ah - "Magaaladayda Minneapolis" (KALY 101.7 FM)

Waa barnaamij ka baxa raadiyaha KALY bishiiba mar oo maamulka magaaladu ugu talagalay in lagu wacyigeliyo korna loogu qaado aqoonta mowduucyada muhimadda gaarka ah u leh busha weynta Bariga Africa ee ku dhaqan Minneapolis.

Ka ogow wax intaa u dheer

 

Macluumaadka Tallaalka COVID-19

Tallaalku waa u bilaash qof walba

Uma baahnid caymis caafimaad ama kaar aqoonsihadi aad is tallaalaysid.

COVID-19 vaccine information - Somali

Ka hel rugaha iyo saacadaha:

Hadii aad ka shaqeyso Minneapolis, waxa aad xaq u leedahay inaad u isticmaasho saacadaha jirida ee kuu yaal inaad ku aado balanta talaalka iyo ka soo kabashada aramida talaalka.

U isticmaal saacadaha jirada talaalka: Sick time and vaccinations - Somali

Is-baadh

Waxaa soo socda baarista COVID-19 iyo tallaalka fuluuga oo bilaash ah

Magaalada Minneapolis waxay haysaa baarista COVID-19 iyo tallaalka fuluuga oo bilaash ah. Qof kasta ayaa heli kara! Baarista qofna uma baahna inuu haysto ceymis. Tallaalka fuluuga waxaa bixinaya ceymiska. Haddii aad ceymis haysato, tallaalka fuluuga u soo qaado kaarkaaga ceymiska. Haddii aadan ceymis, haysan, tallaalka fuluuga bilaash ayaad ku heleysaa.

COVID-19 get tested

Liiska gargaarka

Badbaadada goobta shaqada iyo caafimaadka
Show response
Waxa aan doonayaa in la iga caawiyo waxyaabo kale oo aan halkan lagu sheegin
Show response