Xanibaadahaha baarkinka jiilaalka

Xanibaadahaha baarkinka jiilaalka

Xanibaada Barkin ka ama Goobaha Gawaarida La Dhigto Xilliga Qaboobaha (Jilaalka).

Fiiro Gaar ah: Xanibaadaha lagu soo rogo Barkin ka ama Goobaha Gawaarida La Dhigto Xilliga Qaboobaha ma shaqaynayaan XiligaanBooqo bogga Barkin ka ama Goobaha Gawaarida La Dhigto xilliga barafka si aad u ogaato in lasoo rogey Xanibaada Barkinka iyo in kale.

Xiliyada qaboobaha ah qaarkood, markii uu baraf badani da’o, waxaa suura gal ah in maamulka magaaladu ay soo rogaan xanibaada Barkinka ama Goobaha Baabuurta la dhigto. Mararka waddooyinka hareerahooda uu buuxiyo baraf, Barafkaas na uu sababo in Wadooyinku ay cariiri noqdaan, iyadoo laga eegayo dhanka Badbaadada Dadwaynaha awgeed ayaa maamulka magaaladu waxa ay dhinac ka mid ah labada dhan ee waddooyinka ku soo rogaan xanibaad baabur dhigasho si ay maritaanka baaburta u sahlanaato. Taasi waxay u suuro galinaysaa Gawaarida Gurmadka Deg dega ah iyo Qof kasta oo kale in ay Magaalada si fudud isga gooshi/socon karaan. Xanibaadaha Xiliyadaan oo kale lasoo rogo waxa ay Mamnuucaan in Gawaarida la dhigto dhinaca tirada dhaban ka ah ee jidadka aanan ahayn kuwa deg dega ee barafka (non-Snow Emergency Routes) ilaa laga gaarayo Bisha Afraad Kowdeeda April 1, ama ilaa Masuuliyiinta Magaaladu ay ku dhawaaqaan  in Xaaladu ay saamaxayso in Xayiraada la qaadi karo.

Xaaladaha Gurmadka Barafka inta lagu gudo jiro Xanibaada Barkinga ee Xilliga Qaboobaha ah

Haddii Xaalad Gurmadka Barafka ah lagu dhawaaqo iyadoo ay shaqaynayso Xanibaada Barkin ka xiliga Qaboobaha (Jilaalka), xeerarka ama sharciga Xanibaadaha Barkin ka Jiilaalka ayaa si ku meel gaar ah loo hakin doonaa, sida halkaan hoose lagu  faahfaahiyey, Xeerka Gurmadka Baraf ka ayaana la adeegsandoonaa. Maalinta Koowaad Marka Gurmad Baraf lagu dhawaaqo laga bilaabo 4 ta Galab nimo (4:00 pm),Waxaa laga doonayaa Wadayaasha (Darawalada) in Gawaarida laga qaado labada dhinacba, Wadooyinka Gurmadka Barafka ee loo yaqaan (Snow Emergency routes), ayna dhigtaan dhankii ay doonaan labada dhanba Wadooyinka aanan ahayn Gurmadka Barafka ee loo yaqaan (Snow Emergency routes).

Su’aalaha Had iyo Jeer La Iswayddiiyo

Waa maxay sababta aanu ugu baahanahay Xanibaadaha Baarkin ka xiliga Jiilaal ka?

Xiliyada Qaboobaha Qaarkood, Barafka lagu xaaqo Hareeraha Wadooyinka ayaa waxa uu sababaa in ay Wadooyinku Cariiri noqdaan oo Gawaarida waa wayni ay mari waayaan. Arintaani waxa ay abuurtaa Walwal xaga Bad-Baadada Dadwaynaha ah, sabab too ah Gawaarida Dab-damis ka, Ambalaasta (ambulances), iyo Gawaarida kale ee gurmadka deg dega sameeya ayey usuurobi waydaa in ay maraan, ama ay ka daahaan dadka u baahan Gargaar ka deg dega ee ay usocdaan. Sidaas daraadeed si ayna u dhicin in Gawaarida Gurmada deg dega ay gaari waayaan Dadka u baahan Gurmadka deg dega ah, ayaa waxaa suuro gal ah in Maamula Magaaladu ay Xanibaad kusoo rogaan Gawaari dhigashada hal dhinac oo kamida Wadooyinka aanan ahayn kuwa Gurmadka Barafka ee loo yaqaan (Snow Emergency routes). Xanibaadaas waxay socon doontaa ilaa inta ay lagama maarmaantahay, laakiin aanan ka danbayn karin Bisha 4aad koowdeeda (April 1). Isbadalka noocaan ah ee lagu sameeyo Xeerka Sharciga Barkin ka waxaa loo yaqaan “Mamnuucista in Gawaarida la dhigto hal dhan oo kamida labada dhan” Waxaana si rasmi ah loogu yaqaan Xanibada Barkin ka ee Xiliga Jilaalka.

Sidee ayey baabuur dhigashadu (Parking) Saameeyn u yeelataa?

Ha ku  Baarkin Garaysan (Ha dhigan) Gaariga dhanka Dhabanka ah ee wadooyinka  aanan ahayn kuwa Barafka Deg dega (non-Snow Emergency routes) ilaa Bisha Afraad Kowdeeda (April 1) ama ilaa Masuuliyiinta Magaaladu ay ku dhawaaqaan Qaadista Xanibaada. Gawaarida lagu Barkin gareeysto (Dhigto) goob aan loo ogolayn in lagu Barkin gareysto (dhigto) waa laganaaxayaa, lana jiidayaa (ticketed and towed).

Wadayaasha Baabuurta (Darawaldu) way dhigan karaan Baabuurta wadooyinka Gurmadka Barafka ee loo yaqaan (Snow Emergency routes), Kuwa ku yaal ama ku dhaw Goobaha nasashada (Parks) ee loo yaqaan (parkways) iyo hareeraha dhanka Kinsiga ah ee wadooyinka aanan Barafka deg dega ahayn (non-Snow Emergency routes) hadii aanan lagu dhawaaqin Gurmadka Barafka Deg dega, ama aaney Goobtaas ku dhaganayn Digniin sheegaysa in aanan lagu Baarkin Garaysan Karin (la digan Karin).

Sidoo kale, Baarkinka ayaa la xadidi doonaa Wadooyinka gurmadka  Barafka ah ee looyaqqan (Snow Emergency routes) ee soo socda  si loogu fududeeyo baabuurta Gurmadka  deg dega ah iyo basaska Dadwaynahu iney isticmaalaan. Wadooyinka laga hadlayo waa kuwan:

  • Bryant Avenue South Laga bilaabo Lake Street Ilaa laga Gaaro 50th Street.
  • Grand Avenue South Laga Bilaabo Lake Street Ilaa laga Gaaro 48th Street.

Sidee ayaan Ku ogaan karaa in lasoo rogey Sahrciga Xanibaadaha Barkin ka Jilaalka?

Waxaa jira dhawr hab oo lagu oggaado in lagu jiro Xiliga xanibaadaha Jiilaalka. Booqo Bogga internetka ee Magaalada, Daawo Telefishinada Magaalada ee kasoo gala Kaybalka Kanaalada kala ah 14 ama 79 ama wac Khadka (Telephone ka) Gurmada Barafka 612-348-7669  oo shaqeeya 24 saac. Dadwaynuhu waxay sidoo kale “like” ku muujin karaan iney xiisaynayaan ooy kala socdaan akhbaarta Gurmad ka deg daga ee Barafka Facebook iyo Twitter.

Ma ku Barkin garaysan karaa (Dhigan karaa) Barkin yada Wadada hareerahooda ah oo lacagta lagu Rito/dhubto loona yaqaan (metered parking) xiliga lagu gudo jiro Xanibaada Barkin ka Jilaal ka?

  1. Hadii aaney ku qornayn digniino ama qoraalo muujinaya in aan la dhigan karin.
  2. Marwalba oo aad aragto digniin noocaan oo kale ah, raadi oo raac waxa ku qoran digniinta “Lama Dhigan Karo Baabuur.”  “No Parking” 

Yaa go’aamiya Xiliga ay tahay in lasoo rogo Xanibaada Barkin k a?

Go’aan ka ah in lasoo rogo sharciga Xanibaada Barkin ka waxaa gaara Agaasimaha Waaxda Hawlaha Guud ee Magaalada. 

Go’aanka Agaasimuhu wuxuu ku salaysanyahay talo soo jeedin uga timaada shaqaalaha hawlaha guud iyo masuuliyiinta badbaadada dadweynaha sida Madaxa dabdabmiska oo kale.

Ka waran haddii ay jiraan digniino ah “Lama Dhigi Karo Baabuur” “No Parking” oo ku meel gaadh ah?

  • No Parking” zones on one-side of street.
  • No Parking” zones along schools.

Lama Dhigan Karo Baabuurta hal dhinac oo kamida Wadada. Wadooyinka aanan ahayn kuwa Gurmad Barafka,ee looyaqaan (non-Snow Emergency routes) Qaarkood inta badan waxaa la ogolyahay in Gawaarida la dhigto (lagu Barkin Gaeaysto) hal dhinac oo Wadada ah (Kinsi ama Dhaban). Marka lagu gudo jiro Xiliga Xanibaada Barkin ka Jilaalka, digniino ayaa lagu dhajiyaa Wadooyinka si loogu fuliyo Sharciga Xanibaada Barkin ka. Marka lagu dhawaqqo Xallada Gurmad ka deg dega ee Barafka, Darawalada Gawaarida waxaa laga doonayaa iney u hogaansamaan Sharciga Barkin ka Xalladaha Gurmadka Barafka ah iyo Waliba waxii digniino ah ee ku qoran Calaamadaha Wadadooyinka ku dhegan.

Laguma Barkin graysan karo (Lama dhigan karo Gaari) agagaarka iskoolada. Sharciyo gaar ah oo ku saabsan Xanibaada Barkin ka ayaa ka jira agagaarka iskoolo badan oo Minneapolis ku yaal. Xiliga Xanibaada Barkin ka Jilaalka lagu guda jiro, Sharciga digniinaha ku qoran Wadooyinka wuu isbadalayaa. Goobtii calaamada Digniinta ay u qornayd sidan:

  • Goobtii dhanka Kinsiga ah ee wadada ay ku qornayd digniin ah: Laguma Barkin garaysan karo 8 subaxnimo ilaa 4 Galabnino (8:00 am—4:00 pm) Maalmaha Iskoolku jiro, Magaaladu waxy u badlaysaa sidan: Xilina laguma Barkin Garaysan Karo (No Parking Anytime).
  • Dhanka Dhabanka ahna waxaa lagu Badalayaa sidan: In lagu Barkin garaysto dhanka Dhabanka ah waa la ogolyahay, Marka laga reebo Maalinta Barafka laga xaaqayo dhanka dhaban ka ah. (Parking Permitted Except EVEN Side Plowing Day)
  • Disability transfer zones.
  • Disability parking zones.

Barkin kaan waxaa loogu talo galay in lagu Barkin garaysto mudo yar oo kaliya Marka la qaadayo, ama la dejinayo Qof Curyaan ah. Sharciga Xanibaada barkin ka Jilaalka Saamayn kuma yeelanayo Barkin nadaan oo kale.

Barkin kan waxaa loogu talo galay Curyaamada oo kaliya. Wadooyinka Qaarkood waxay leeyihiin Baarkimo loo calaamadeeyey in Curyaamada oo kaliya ay ku barkin garaystaan, ama Gawaarida dhigtaan. Hadii Goobtaas loo calaamadeeyey Curyaamada ay ku taal  dhanka Dhabanka ah ee wadada, wadadaasina aaney ahayn kuwa Gurmad Brafka ee loo yaqaan (non-Snow Emergency), Mulkiilaha Dhismaha ay Wadadu hormarto wuxuu codsan karaa in laga qaado Xanibaada Barkin ka ee xiliga Jilalka. Mulkiilihii doonaya inuu codsigaas soo gudbisto waa inuu wacaa number ka 311. Codsi walba si gaar ah ayaa loo eegi doona.

Sidee ayaan ugu Barkin garaysan karaa goobaha ogolaansho loo baahanyahay

  • Oggolaanshaha Barkin ka Muhiimada Gaar ka ah leh.
    Haddii aad oggolaansho u haysatid inaad ku Barkin garaysatid Barkimada Muhiimada Gaar ka ah leh, waxaa lagaaga baahanyahay inaad ku dhaqanto, ood u hogaansato sharciga Xanibaada ee xiliga Jilaal ka. Ha ku Barking garaysan dhanka Dhaban ka ah, wadooyinka aanan ahayn kuwa Gurmadka Brafka ee looyaqaan (non-Snow Emergency routes). Kuwa haysata Ogolaansho waxaa looga baahanyahay iney ku Barkin garaystaan Dhanka Kinsiga ah ee Wadoyinka aanan ahayn kuwa gurmadka Brafka (non-Snow Emergency routes) oo ku yaala Goobaha Barkin ka Muhiimada Gaar ka leh. Hadii Wadadu aanay lahayn Barkin ah dhanka Kinsiga, Waxaa la raacayaa sharciga oo wado kale oo leh Barkin dhanka Kinsiga ah ayaa lagu Barkin garaysanayaa.
  • Ogolaanshaha Isticmaalka Wadooyinka. (Caagadaha Qashinka & In wax la dhigto). Dhamaan Ogolaanshaha loo haysto isticmaal ka wadooyinka waa iney waafaqsanaadaan Xanibaada Barkin ka dhanka dhabanka ah ee wadooyinka aanan ahayn kuwa Gurmadka barafka (non-Snow Emergency routes). Hadii aad haysatid Ogolaansho ah inaad isticmaashid wadada, Caagadahaaga Qashinka ama alaabtii kale ee kuutaal wadada waa in laga qaadaa, aana lagu soo celin ilaa Xanibaada Barkin ka la qaadayo.
  • Ogolaanshaha Barkin Xirasho ama wax ku gudbis.

Marka lasoo rogo Xanibaada Baarkin ka Jilaal ka, dhamaan ogolaanshaha noocaan oo kale ah dib-u-eegis ayaa lagu sameeynayaa. Dhamaan Ogolaanshaha loogu ogolaadey qofku in ilaa habeen kii uu xiran karo Barkin ka wadadaas, ama kuwa loo ogolaadey iney isticmaalaan wadada dhanka dhabanka ah waxaa la ogaysiin doonaa in ogolaanshaha ay haystaan uunan shaqaynayn xiliga lagu gudo jiro Xanibada Barkin ka Jilalka. Dhamaan Haystayaasha ogolaanshaha noocan oo kale ah, oo qabo su’aalo waxay la xiriiri karaan Waaxda Hawlaha Guud ee Magaalada Minneapolis. Number ka waxuu ku qoranyahay Warqada ogolaansha lagu siiyey.

Hadaii Su’aasha aad qabto, ama waxa aad raadineyso aadan ka helin qoraalkaan Wac 311, oo waydii Su’aasha aad qabto.

Wac sedexda number ee 3-1-1 Maalinwalba saacadaha ah: 7 subaxnimo ilaa 7 Fiidnimo (7:00 am to 7:00 pm), Qof kamida Hawlwadeenada 311 ayaa ku caawin doona.  Si aad u wacdo 311 waa inaad ku jirtaa xuduudaha Magaalada Minneapolis gudaheeda. Hadii aad joogto meel ka baxsan Magaalada sida Saint Paul oo kale wac 612-673-2157.

Contact us

 

Minneapolis 311

 
 

Office hours

7 a.m. – 7 p.m.
Monday – Friday