Digniinta telefoonka xilliga gurmadka barafka

Digniinta telefoonka xilliga gurmadka barafka.

Minneapolis waxay isticmaashaa hab telefoon oo loogu talo galay in dadweynaha lagula socodsiiyo maekii lagu dhawaaqo gurmad baraf. Kani waa cod hore loo sii duubay oo iskii telefoon ugu dira dadweynaha oo saacaddiiba diraya kumaankun telefoon. Markii gurmad baraf lagu dhawaaqo waxaad heleysaa fariin gaaban loo duubay oo kuu soo gudbineysa dadweynaha ku jira liiska telefoonnada ee Minneapolis warbixinta gurmadka barafka.

Haddii aad u baahan tahay in moobilkaaga telefoonka shaqadaada ama telefoon kale oo lliska teleefoonnada ku jirin lagaa soo waco, waa inaad iska rejistar gareeysaa.

Ku Dar/Ka Saar Telefoon Lambarka

Haddii aad dooneyso in telefoonkaaga laga saaro liiska telefoonnada loo diro, booqo bogga hoos ku yaal, warbixintaada ku buuxi ka dib waxaad doorataa meesha ay ku taal "Remove Request."

Xusuusnoow haddii telefoonkaagu uu ku jiro liiska telefoonnada ee degaanka Minneapolis waa hubaal inaad liiskeenna ku jirtid.

Ogoow idiinma ballanqaadi karno inaan telefoon idiin soo dirno marka waa muhiim inaad mar walba warbixinta kala socotaan shabakadda internedka ama wacdaan 348 –SNOW mar walba oo uu baraf da’o oo aad is leedahay magaaladu waxay ku dhawaaqday gurmad baraf. Mas’uul adiga ayaa ka ah inaad la socotid xeerarka dhigashada baabuurta, xitaa haddii aan telefoon laguu soo dirin.

Fadlan ogoow haddii aad diwaan gelisid lambarkaaga si aad u heshid digniinta afka Soomaliga ah, waxaa laga yaabaa inaad heshid digniinta oo af Ingiriisi ah haddii aad ku jirtid liiska, ama aad is diiwaangelisay qabowgii xilliga la soo dhaafay. Haddii aad dooneyso inaad iska burisid ogesiinta af Ingiriisiga, waa inaad ka sameysid shabakadda qeybta Ingiriiska. Waxaan kugula talin lahayn innadan ka saarin lambarkaaga guriga ogeysiinta Ingiriisiga waayo waxaa lumineysaa ogeysiisyo kale oo laguu soo sheegi lahaa sida marka caleemaha jidadka laga nadiifinayo mustaqbalka.

Contact us

 

Minneapolis 311

 
 

Office hours

7 a.m. – 7 p.m.
Monday – Friday