Birmadka Barafka

Sideen ku ogaadaa dhinaca kissiga ama dhabanka ee jidka?

Cinwaanka eeg

Sida ugu sahlan ee aad ku ogaatid dhinacyada kissiga ama dhabanka ee jidka nambarrada leh waxey tahay inaad eegtid nambarrada guryaha ee ku aada jidka.

Hadduu nambarka cinwaanka guriga uu ku dhammaado ( 0, 2, 4, 6, 8), markaa dhismahaas wuxuu ku yaala dhinaca DHABANKA ee jidka (Tusaale: nambarka cinwaanka guriga: 135 6 Maple ama 251 2 17th Ave.).

Hadduu nambarka cinwaanka guriga uu noqdo kissi ( 1, 3, 5, 7, 9), markaa dhismahaas wuxuu ku yaalla dhinca KISSIGA ee jidka (tusaale: nambarka cinwaanka guriga: 135 9 Maple or 251 3 17th Ave.).

Cinwaan aan la ogaan karin?

Hadduusan jidka lahayn dhismooyin, way adagtahay si lagu kala ogaado dhinaca dhabanka ama can kissiga ah.

Taladeena ugu fiican waxey tahay in deriska la weydiiyo ama dadka ganacsiga meesha ku leh si aad ku oogatiid dhinac uu yahay intaadan gaariga dhigan. Haddaad su’aalo aad ka qabtid jid qaas ah, fadlan si bilaash ku soo wac Waaxda Howlaha Guud, Waaxda Jidadka (Public Works, Street Department) (612) 673-5720.

Last updated Sep 27, 2011

 

Minneapolis 311

 
 

Office hours

7 a.m. – 7 p.m.
Monday – Friday