Waa maxay micnaha "si buuxda ayaa loo xaaqay

Waa maxay micnaha "si buuxda ayaa loo xaaqay"

"Si buuxda ayaa loo xaaqay" micnaheeda waa xaaqidda barafka oo si buuxda ay shaqaalaha Magaalada uga qaadeen dhinaca (ama dhinacyada) ee jidka aan gawaarida la dhigan karin marku uu jiro Birmadka Barafka (Snow Emergency).

Sidaan waa sida uu u shaqeeyo

Shaqaalaha ayaa bilaabaya INTA uu barafka xoog u daayo, waxeyn xaaqi karaan LAYMANKA GAWaARIDA MARTO ee jidkaaga KAHOR inta aan la hirgelinin waqtiga Birmadka Barafka.
Waa inaad waafaqdaa sharciyada u dhigan jidadka gawaarida la dhigto taaso ah bilowga maalinkasta ama waqtiga uu soconnaya Birmadka Barafka.

Markey ay MARKALE yimaadaan kuwa barafka xaaqa ayna si buuxda u xaaqaan ballaca dhinaca (ama dhinacyada) ee jidka ee aan la gawaarida la dhigan karin, waxaad markaasi aad bilaabi kartaa inaad dhinacaas gaariga dhigatid. Fadlan iska hubi iney shaqaalaha dhammeystireen xaaqidda oo ay markaasi meel kale u wareegeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda iney shaqaalaha markale ku soo laabtaan isla meesha si ay u hubiyaan in barafka oo idil si buuxda looga xaaqay jidka korkiisa.

Tusaale, maalinta labaad, marka sida ballaca buuxa xaaqidda loo dhammeyo, waxaad bilaabi kartaa inaad gaariga dhigatid dhinaca namabarrada DHABANKA ah ee jidkaaga/xaafadda ( Tusaale: namabarka cinwaanka guriga: 135 Maple ama 251 17 th Ave.) ama DHINAC WALIBA ee Jidka gawaarida la dhigto.

Contact us

 

Minneapolis 311

 
 

Office hours

7 a.m. – 7 p.m.
Monday – Friday