Vaccine or testing requirement sign in Somali
Mask sign for businesses Somali
Talaalka COVID-19 ama cadeynta sheybaarka ayaa lagaa doonayaa si aad u gasho goobaha cuntada iyo cabitaanka
Laga bilaabo 19ka Janaayo qof kasta oo galaya goobaha iibiya cuntada iyo cabitaanka ee Mineeapolis waxaa laga doonayaa inuu keeno cadeyn muujineysa inuu qaatay dhamaan talaalka COVID-19 ama natiijada sheybaarka PCR oo la qaaday sadex maalmood gudahood oo cadeeynaysa in aadan qabin cudurka. Shuruudahan waxa ay ka dhaqan galayaan 26ka Janaayo dhamaan goobaha dadweynuhu isugu yimaado ee tigidhada lagu galo. Maanta, Duqa Magaalada waxa uu saxiixay amarka xaaladda degdegga ah ee 2022-5.
Talaalka COVID-19 waxa uu yareeyaa xaaladda khatarta ee keeni karta in bukaanka cisbitaalka loo dhigo COVID-19 iyada oo cilmi baaristu cadeysay inuu yareeyo faafinta cudurka ee dadka aanay ka muuqan wax calaamado ah. Iyada oo lagu xoojinayo amarkii xirashada af daboolka ee dhamaan goobaha dadweynaha, sharcigan degdegga ah waa mid loola jeedo in lagu ilaaliyo caafimaadka dadweynaha, yareynta culayska saaran isbitaalada iyo shaqaalaha caafimaadka, iyo in dugsiyada iyo goobaha ganacsigu furnaadaan.
Dadka iyo goobaha ganacsiga ee amarkan uu khuseeyo
Amarka la xiriira talaalka waxa uu khuseeyaa goobaha iibiya cuntada iyo cabitaanka oo ay ka mid yihiin:
- Gudaha makhaayada, goobaha lagu qaxweeyo, iyo goobaha qaxawaha ee leh meel la fariisto (tusaale ahaa goobaha qaxwaha, jimicsiga)
- Baararka.
- Goobaha ciyaaraha ee lagu dhex iibiyo cunto iyo cabitaan goobta lagu cuno.
- Goobaha madadaalada sida tiyaatarada iyo ciyaaraha bowling ee lagu iibiyo cuntada iyo cabitaanka laguna dhex cuno.
- Goobaha kulamada lagu qabto (haddii lagu qeybiyo cunto), goobaha xafdladaha, iyo cuntada(haddii ay goobtaasi gaar u tahay makhaayad).
Waxyaabaha laga reebayo:
Waxaa ka reeban ilmaha ay da’doodu ka yar tahay 5 jir oo si fudud looga baari karin COVID-19, ciyaartoyda, bandhigayaasha, iyo shaqaalaha la shaqeeya, (sida tababarayaasha, macalimiinta iyo shaqaalaha kale) ee bandhig ku sameynaya goob dadaweynaha u furan; K-12 iyo goobaha caruurta lagu hayo; isbitaalada, goobaha dadku isugu yimaado ee ka baxsan guryaha ama goobaha caafimaadka; goobaha cuntada diyaarsan laga qaato, cuntada iyo cabitaanka goobaha cibaadada, cuntada banaanka lagu cuno, cuntada dukaamada lagu iibiyo, iyo goobaha kale ee cunada iibiya iyo waxyaabaha kale marka laga reebo goobaha leh kuraas la fariisto oo lagu cunteeyo ee dukaanka gudihiisa; goobaha maraqa iibiya, iyo kuwa u adeega dadka aad u nugul (sida cuntada dadka ay dadka u diyaariyaan).
Dadka waa in ay soo gaarsiiyaan 311 goobaha sharciga jabiya.
Macluumaad dheeraad ah waxa aad ka heli kartaan bogga internetka ee Magaalada.
Waajib ka dhigidda af daboolka
Qof kasta oo ku sugan goob dadweynaha u furan ee Magaalada Minneapolis waa inuu xirtaa af dabool laga bilaabo 6da Janaayo. Duqa Magaalada Frey ayaa saxiixay amarka xaaladda degdegga ah ee 2022-1 kaasoo dib loo soo celinayo sharciyada xirashada af daboolka ee shaqaalaha, dadka ka adeeganaya iyo dadka booqanaya goobaha ganacsiga. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waajib ka dhigidda xirashada af damboolka waxa aad ka heleysaan bogga internetka ee magaalada.
Balaarinta ku meel gaarka ah ee ganacsiga
Goobaha waxa ay si ku meel gaar ah ganacsigooda ugu fidin karaan dhismahooda si u ilaaliyaan caafimaadka shaqaalaha iyo macaamiishooda xaaladda caafimadka dadweynaha ee degdegga ah ee COVID-19. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waajib ka dhigidda xirashada af damboolka waxa aad ka heleysaan bogga internetka ee magaalada.
Sidee ayaad ku heli kartaa talaalka lacag la’aanta ah:
- Isticmaal bogga internetka ee gobolka Khariidadda Goobaha Talaalka si aad u ogaato goobta kuugu dhow.
- Halkan ka hubi balanta talaalka Vaccines.gov, halkaas oo aad ka raadsan karto balanta iyo nooca talaalka (sida, Pfizer).
- La xiriir dhakhtarkaaga caafimaadka ama farmashiyaa degaanka aad degan tahay.
- Khadka Telefoonka ee Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ee CoVID-19 1-833-431-2053 laga bilaabo 9ka aroornimo ilaa 7da aroornimo Isniinta-Jimcaha, 10ka aroornimo - 6da galabnimo Sabtida.