Mashruuca Suuqa Dadweynaha ee African Village (Xaafadda Afrika)

Muuqaalka Goobta Mashruuca

Magaalada Minneapolis waxa ay jeceshahay in ay goobta baabuurta la dhigto ee Lot A oo magaaladu leedahay u bedesho xarun dhaqan oo cusub. Goobta oo ka kooban 93 meelood oo gaadiidka la dhigto waxa ay ku taalaa 1500 4th St. S. Goobta waa meel u ka dhaco fal dambiyeedka fara badan oo culeyka ku ah nabadgelyada dadweynaha.

Lot A waa meel ku haboon arrintan sababo dhawr ah dartood. Waxa ay u dhaxeysaa laba xarumood oo kuwa tareenka ah, oo ku xiran Minneapolis, St. Paul, Mall of America iyo gegida diyaaradaha. Waxa kale oo ay ku dhow dahay xarunta Jaamacadda Minnesota iyo Jaamacadda Augsburg. Waxaa intaas dheer, Lot A waxa uu bartamaha ugu yaalaa goobo ganacsi oo soo koraya.

Waxa kale oo magaaladu jeceshahay in ay iibsato dhulka waqooyiga kaga dhegan Lot A oo ay leedahay Degmada Hennepin. Labada
oo wadajira waxa ay masaaxadoodu gaareysaa 93,000 dhudhun oo laba jibaaran ee xaafadda Dhaqanka ee Afrika.

Ujeedada Laga Leeyahay

Hergelinta mashruuca cusub ee African Village waxa uu:

  • Hoy u noqonayaa suuq dadweyne oo ka kooban dukaamo tafaariiqlayaal ah iyo goobo ganacsi oo u adeega dadka Afrikaanka ah iyo kuwa aan Afrikaanka aheyn.
  • Hoy u noqonayaa goob loogu talo galay in ay fursado dhaqaale u fidiso ganacsatada cusub iyo kuwa ganacsigoodu korayo si ay u balaariyaan ganacsigooda.
  • U soo jiidanaya macaamiil kala duwan Bulshada Ganacsiga Ku Leh Galbeedka Daanta.
  • Abuuraya degaan cusub oo hoy u noqda bulshada, oo ay ka mid yihiin guryaha dadku awoodo.

African Village waa mid qeyb ka ah isku dhafka dhaqaalaha iyo horumarinta gaadiidka ee dhaqamada kala duwan ee Xaafadda Cedar Riverside. Degmada waxaa loo diyaarinayaa mid lagu gaaro hadafka ganacsiga iyo tan bulshada soo haajirtay.

Mashruucani waxa uu faa’iido balaaran u leeyahay ganacsiga ku dhereran wadada sida nalal dheeraad ah ee wadooyinka, nadiifinta qashinka, iyo isaga oo muuqaal u yeelanaya maalgelinta Magaalada Minneapolis.

Hadafka Horumarinta

Hadafka magaaladu ka leedahay mashruucan waxaa ka mid ah:

  • Hoy u noqdo suuq dadweyne - oo ka kooban goobo ganacsi oo kala duwan oo u adeega dadka Afrikaanka ah iyo kuwa aan Afrikaanka aheyn.
  • Loo adeegsado taageerada suuqa dadweynaha isku dhafka guryo dadku awoodo oo la socda sicirka suuqa, xafiisyo, goobo caafimaad, iyo goob lagu qabto barnaamijyada dhalinyarada.
  • Dhisme ka kooban 10 dabaq ama ka badan dhinac ka mid ah goobta.
  • Naqshad guud ahaan loogu talo galay in ay kordhiso dadka u lugeynaya oo bushkuleetiyada ku tagay xarunta Tareenka Cagaaran ee Daanta Galbeed.
  • Horumarinta goobaha dadku ku lugeeyo, goobaha dadweynaha iyo goobaha cagaaran.
  • Isku xirka goobaha gaadiidka la dhigto ee iminka jira iyo kuwa mustaqbalka.
  • Tixgelin gaar ah la siiyo waxyaabaha lagu talinayo oo ay ka mid yihiin gobaha gaadiidka la dhigto ee dadweynaha.

Ka Qeyb Gelinta Bulshada

Marka magaaladu bilowdo mashruuca, waxa aanu ka qeyb gelineynaa dadka degan magaalada, ganacsatada, ururada xaafadaha iyo bulshada daneyneysa.

  • Qodobada ugu muhiimsan ee Codsiga dadweynaha (RFP) ee ay soo bandhigeen Ururka Ganacsatada ee Daanta Galbeed (West Bank Business Association’s (WBBA) aragtida 2012 ee Lot A iyo qoraalka qorsheynta ee ku lifaaqana RFP.
  • Ujeedada horumarinta - halbowlaha u ah RFP - ee goobta waxaa lala wadaagayaa WBBA, Iskaashiga Cedar Riverside (CRP) iyo xaafadaha si ay dib
  • Ugu akhriyaan ugana dhiibtaan ra’yigooda ka hor inta aan dadweynaha loo soo bandhigin.
  • Ka dib marka ay na soo gaaraan codsiyada dadweynaha, codsiyada dadweynaha waxaa loo gudbinayaa kulanka WBBA, CRP iyo xaafadaha si ay ra’yigooda uga dhiibtaan.
  • Kooxda loo xilsaaray hirgelinta waxaa waajib ku ah in si joogta ah xiriir ula leeyihiin WBBA, CRP iyo xaafadaha inta lagu jiro marxaladda hirgelinta mashruuca.

Mashruuca African Village waxaa dib u eegaya Gudiga Qorsheynta iyo Gudiga Magaalada.

  • Xubnaha Gudiga Qorsheynta iyaga oo u dhan waxa ay dib u eegayaan mashruuca ka hor inta aan la ogolaan. Waxaa laga yaabaa in Gudiga Qorsheynta uu soo jeediyo talo ama faalo ka bixiyo horumarinta/dhismaha oo talo soo jeedinta lagu daro mashruuca.
  • Gudiga Qorsheyntu waxa uu awood u leeyahay in uu ogolaado ama diido qeybo ka mid ah mashruuca (ama xuquuqda) dhismaha ka hor. Haddii uu diido, waxa cidda fulineysa dhismaha racfaan u soo gudbin kartaa Gudiga Magaalada.
  • Gudiga Horumarinta Dhaqaalaha iyo Sharci Dajinta ee Gudiga Magaalada (EDRS) waxaa laga doonayaa in ogolaadaan mudada iyo qodobada iibka dhulka ee mashruuca.Iibka dhulka waxaa waajib ah in loo qabto dhageysiga dadweynaha si ay codkooda iyo ra’yigooda uga dhiibtaan.

Ugu dambeynta,Gudiga Magaalada oo u dhan waa in uu ogolaadaa mudada
iyo qodobada iibka dhulka si mashruucu u sii socdo.

Contact us

Community Planning & Economic Development (CPED)

Address

Public Service Building
505 Fourth Ave. S., Room 320
Minneapolis, MN 55415