Gaari-dhigashada Muhimka ee Qaboobaha
Hel meel aad baabuurka dhigato marka lagu dhawaaqo gurmad barafka looga xaaqayo wadooyinka si aan gaariga lagaaga jiidin laguuna ganaaxin. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa nuqulkaan magaalada Minneapolis ee taxanaha
Minneapolis waxey leedahay wareegtooyin maamula gaari-dhigashada jidka ee qaboobaha is lagu hubsado iney shaqaaleheena barafka xaaqa ay jidadka Magaalada ka dhigaan kuwo aan baraf lahayn. Wareegtoyinkaan waxey maamulaan gaari-dhigashada jidadka marka ay jiraan xaaladaha qaarkood:
- Waqtiga uu dhacayo baraf xoog leh ama inta ka horreysa,
- Waqtiga ka dambeeya barafka xooga lahaa, iyo
- Marka uu baraf badan isu aruuray ee ka dambeeya baraf dhowr jeer dhacay.
Sharcidyadaan ku xusan wareegtooyinkani waxey sahlayaan nidaam laga wado gawaarida jidka yaala si ay shaqaalaha ay ballaca jidka oo idil ay u xaaqaan, xitaa laymanka gawaarida la dhigto. Tan waxey ku caawineysaa in barafka si dhammeystiran loo xaaqo si uu gaadiidka, siiba kuwa gurmadka ah, ay si caadi ah u socdaan xilliga qaboobaha oo dhan.
Kaalintada ka soo bax – faham oo raac sharciyada
Si looga caawiyo iney jidadka ahaadaan kuwo la xaaqay, dadka meesha deggan iyo kuwa soo booqdaba ee gawaarida dhigta jid Minneapolis ah waa iney hawada ka digtoonaadaan ayna ka warhayaan sharciyadaan gaari-dhigashada qaboobaha. Kaddib ka warqab xilliyada barafka (qiyaasti inta u dhaxeysa Nofembar ilaa-iyo Abriil) si aad ku ogaatid marka sharciyadaan ay hirgelayaan.
Xusuusnow, dadka Minneapolis soo booqda, wax ka iibsada ama tamashle u soo aada waxey u badantahay ineysan ka warhayn sharciyadaan Minneapolis. Waxaad ku caawin adigoo martidaada, macaamilka iyo shaqaalaha u sheega aqbaarta ku saabsan Birmadka Barafka ee Minneapolis iyo sharciyada ee winter parking rules.
Ama diyaar u ahaw ganaax iyo gaariga oo la jiito
Kuwa aan dhoowrin Birmadka Barafka ama sharciyada kale ee gaari-dhigashada gawaarida waxaa ku dhici karta in tigigh ganaax la siiyo iyo gawaaridooda oo loo jiito Minneapolis Impound Lot.
Xaaladaha Gaari-dhigashada Qaboobaha ee La Iska Jiro
- Digniin Duufaano Culus ee Qaboobaha . Marka la saadaaliyo duufaan weyn, Minneapolis waxey si kumeelgaar ah u soo rogaysaa mamnuucyo gaari-dhigashada ee LOOGA DIGAYO duufaanta.
Qaanuunka: - Birmadka Barafka. Kaddib marka uu dhaco baraf xoog leh, Magaalada waxey ku dhawaaqi kartaa Birmadka Barafka inta aan la gaarin 6:00 fiidnimo ee maalin kasta ay wax jiraan. Tani waxey suurta galineysa iney sharciyo gaarid-dhigashada oo taxan iney hirgalaan oo dhereerkoodu uu noqon karo ilaa-iyo saddex cisho. Hoos ka eeg aqbaarta qaaska ah ee ku talxluudqa "Birmadka Barafka".
Qaanuunka: Snow Emergency Parking Rules Gaari-dhigashada si aad ku heshid warbaxin buuxda.
Xilligaaga barafka ka yeel gaariga in aan lagaa jiidin (pdf)
- Calaamadaha kumeelgaarka ah. Jidadka iyo luuqluuqdyada caadi ahaan waa la xaaqa, ciid iyo cusbana waa lagu shubaa ayadoon aan lagu dhawaaqin Birmadka Barafka. Haddii loo baahdana calaamado kumeelgaar ah ee dhahaya gaari-dhigashada lama ogola ayaa la soo dhejinayaa.
Qaanuunka: - Gaari-dhigashada La Mamnuucay Qaboobaha. Inta lagu jiro xilliga qaboobaha ayna dhacdo in dhowr jeer uu baraf dhaco waxay sabebeysaa inuu barafka isku aruuro taasoo aad u yareysa jidadka, Magaalada waxey ku dhawaaqi kartaa Gaari-dhigashada La Mamnuucay Qaboobaha.
Qaanuunka:
Xusuus Muhiim ah: Media outlets (hoos eeg) oo sheegaya nidaamyada gaariga lagu dhiqto inta lagu jiro gaari-dhista la mamnuucay qaboobaha.
Sideen ku ogaan karaa amarada qaanuunadaan ay dhaqan gelayaan? Markasta oo la saadaaliyo inuu baraf badan da’ayo, iyo marka uu barafka uu bilawdo waxaad sameyn kartaa inaad raacdid mid kamid midkaan si aad ku ogaatid haddey qawaaniinta noqdaan kuwa hirgelaya.
Wac Xiriirka Barafka ee 24-saac: (612) 348-7669; TTY (612) 673-2157
Emailkaaga eeg
Waxaad la xiriira kartaa adeega Magaalada (Emailka Taxaddarka Barafka) E-Mail Snow Alert si aad ku heshid ogeysiis ah marka uu jiro Birmadaka Barafka ama marka la hirgelinayo qawaaniinta gaari-dhigashada qaboobaha. Sanadkaan waxaa ku dari kartaa tusiye dhinaca telefonada gacanta (sida PDA laga helo mobailka) si aad ku heshid aqbaar gaaban marka lagu dhawaaqay inuu jiro birmadka barafka. been declared.
Booqo shabakada internetka ee magaalada ( Minneapolismn.gov)
Ka eeg kanaalada telefishinka 14, 79 ama dhegeyso KBEM-FM (88.5 MHz)
Marka sida ugu dhaqsiyo badan lagu dhawaaqo inuu jiro Birmadka Barafka, Magaalada waxey shaaca ka qaadaeysa telefoonka degdegga 348-SNOW, Shabakada Internetka in Kanalada Kaybalka 14 iyo 79, u dir emilka iska jirka e-mail alert si aad ku heshid aqbaar, oo ogeysiiya dhammaan afarta, telefishina deegaanka, 11 isteshino radiyeyaal iyo saddexda wargeys ee ugu waaweyn.
Last updated Dec 22, 2020