Akhbaarta cudurka Koroonaha oo ku qoran afka Somaliga
Is-baadh | Xidho maaskaro | Si Ammaan ah Isku-hagaajinta Garaacyada | Muujiyeyaasha Xogta COVID-19 | Badbaadada goobta shaqada iyo caafimaadka | Ganacsiyada | Akhbaar xayaysiin | Liiska gargaarka | Socdaalka (hijrada) | Soo sheeg takoorka iyo eexashada
Macluumaadka Xidhiidhka |
---|
|
Akhbaar xayaysiin![]()
|
Barnaamij Idaacadeed oo Somali ah - "Magaaladayda Minneapolis" (KALY 101.7 FM)
Waa barnaamij ka baxa raadiyaha KALY bishiiba mar oo maamulka magaaladu ugu talagalay in lagu wacyigeliyo korna loogu qaado aqoonta mowduucyada muhimadda gaarka ah u leh busha weynta Bariga Africa ee ku dhaqan Minneapolis.
- 2-3 p.m. Khamiis, Febraayo 18
- Ka dhegayso halkan wararkii hore ee raadiyaha
Is-baadh
- Hel goobaha baadhitaanka COVID-19 ama wac 1-800-657-3903.
- Ka-tijaabinta Jaaliyadda ee COVID-19
- Waa lacag la'aan baadhista COVID dhammaan reer Minnesota
- Waxa La Sameeyo Intaad Sugayso Natiijada Ka-tijaabinta COVID-19
Waxaa soo socda baarista COVID-19 iyo tallaalka fuluuga oo bilaash ah
Magaalada Minneapolis waxay haysaa baarista COVID-19 iyo tallaalka fuluuga oo bilaash ah. Qof kasta ayaa heli kara! Baarista qofna uma baahna inuu haysto ceymis. Tallaalka fuluuga waxaa bixinaya ceymiska. Haddii aad ceymis haysato, tallaalka fuluuga u soo qaado kaarkaaga ceymiska. Haddii aadan ceymis, haysan, tallaalka fuluuga bilaash ayaad ku heleysaa.
Baaritaanka Cabdhuufta ee COVID-19 saliva testing
- Baaritaanka Candhuufta ee Minneapolis
Minneapolis Convention Center – Waxaa martigeliyey Gobolka Minnesota
1301 2nd Avenue South, Exhibit Room E
Ka soo gal dhinaca galbeedka ee saran wadada 1aad (1st Avenue)- Duhurkii ilaa 7 fiidnimo., Isniin ilaa Jimce
- 10 aroornimo ilaa 4 galabnimo., Sabti iyo Axadda
- Columbia Manor (Columbia Golf Course)
10 a.m. to 4 p.m.
Mondays, Jan. 4, 11 and 25
3300 Central Ave NE - Hennepin United Methodist Church
11 a.m. to 4 p.m.
Thursdays, Jan. 21 and 28
511 Groveland Ave - Minneapolis Public Schools Davis Center
11 a.m. to 3 p.m.
Saturdays, Jan. 16 and 30
1250 West Broadway Ave - Sabathani Community Center
12 to 4 p.m.
Saturdays, Jan. 9 and 23
310 East 38th Street
Xidho maaskaro
Dhamaan dadka da’doodu ka weyn tahay 2 sano jir oo caafimaad ahaan awoodi kara waa in ay xirtaan af dabool ama maro ku daboonshaan afka iyo sanka marka ay joogaan goobaha dadku isugu yimaado ee Minneapolis. Taariikhda uu bilaabanayo: Meey 26.
- Waxaa lagaaga baahanyhay inaad afka duubato | Markaad joogto baararka iyo makhaayadaha waa inaad maromaaskaro xidhato
- Dadka kale ilaali – xiro maro maasgaro ah
- Maaskaraato weji fiidiyow
- Hab-dhaqannada Ugu Fiican ee Maaskaraha COVID-19
Muujiyeyaasha Xogta COVID-19
Si Ammaan ah U-hagaajinta Garaacyada
Ka akhriso amarka cusub halkan isagoo Ingiriis ah mn.gov/covid19
Si Ammaan ah U-hagaajinta Garaacyada: Xayiraadaha Dabacsan Waxay Bilaabanayaan Janaayo 11.
- Daawo Khudbada Gudoomiyaha Gobolka MN Tim Walz oo af Soomaali ku baaxaysa
- Badhasaabka Walz Oo Ku Dhawaaqay Talaabooyinka Xiga ee Jawaabta Gobolka ee La Dagaalanka COVID-19
English | Soomaali |
Yaan la xiriirayaa haddii aan su'aal ka qabo amarka in reer "Si Ammaan ah Isku-hagaajinta Garaacyada"?
Fadlan HA SOO wicin 911 haddii aysan aheyn xaalad degdeg ah. Haddii aad degan tahay Minneapolis, waxa aad wici kartaa 311 ama 612-673-3000, haddii aad ku sugan tahay meel ka baxsan magaalada. Akhri Su’aalaha Inta Badan La Isweydiin karo ee ka soo baxay xafiiska Gud. Walz's office.
COVIDaware MN
Gacan ka geyso xakamaynta faafidda fayraska iyo inaad difaacdo dadka kale ee ka tirsan bulshadaada. Aabka "COVIDaware MN" ayaa kula soo socodsiin doona adiga haddii aad ufeydsantay cudurka koronofayraska. Wax macluumaad shaqsi ahaan la garan karo ayaa marnaba ka bixi doonin telefoonkaaga.
Guji halkan si aad u soo dajisato:
Guriyaynta
Maarso 23, 2020, Gudoomiyaha Gobolka Walz waxa uu saxiixay Amar Sare ee Degdega ah oo sumadiisu tahay 20-14 kaa oo joojiyey guryo ka saaritaanadii iyo amaradii maxkamadaha ee guryo ka bixida ahaa mudadda xaaladan degdeg ah ee cudurka COVID-19 ay jirto. Amarkan Sare waxa uu u fidiyaa cid walba fursad ay si xasiloon hoy ugu helaan waxa uuna ka hortagaa bara-baxa xilligan ay jirto xaaladda caafimaad ee degdega ahi.
- Su’aalaha Inta badan la Is-waydiiyo (Minnesota Housing)
- Liiska gargaarka (guriyaynta)
- Barnaamijka Gargaarka Guryaha ee COVID-19
- Caawimaada Kirada (Hennepin County) ama wac 612-302-3160
- Ilaalinta Takoorida & Ka Saarida Guryaha – COVID-19
- Wargeli xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota (Foomka Cabashada Kiraystaha) haddii ay jiraan guryo ka saarid sharci darro ah ama wac 651-296-3353.
- Gargaarka dhanka sharciga ah ee kireystayaasha reer Minnesota loo fidiyo. HOME Line waxay bixisaa adeeg ku baxa Afka-Soomaaliga. Af-Soomaali wac 612-255-8860.
Badbaadada goobta shaqada iyo caafimaadka
Si aad u hesho macluumaad dheeri ah oo ku saabsan badbaadada goobta shaqada ama caafimaadka ee la xiriirta COVID-19, booqo www.dli.mn.gov/business/workplace-safety-and-health/mnosha-compliance-novel-coronavirus-covid-19.
Waxaad xaq u leedahay inaad diido inaad ka shaqayso xaaladaha aad adiga, aaminsanaantaada, aad si macquul ah u aaminsan tahay inaad ku dhowdahay in ay kusoo gaarto khatar dhimasho ama waxyeelo jireed. Khatar jir ahaaneed ee culus waxaa ka mid noqon kara jirro shaqada kaasoo gaarta oo kugu keenta naafonimo joogto ah, naafonimo guud oo ku meel gaar ah ama daaweyn caafimaad.
Aaminaad macquul ah oo aad aaminsantahay in ay jirto khatar dhimasho ama waxyeelo jirka ah oo halis ah waxaa ka mid ah in aad si macquul ah u aaminsantahay in shaqaalaha loo xilsaaray inuu ku shaqeeyo hab aan amaan ahayn ama caafimaad xumo leh oo wadata cudurada faafa. Coronavirus waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay cudurwade faafa.
Kala soo xiriir Minnesota OSHA Compliance [email protected], 651-284-5050 ama 877-470-6742 wixii su'aalo ah.
- Fasaxa Bukaanka iyo Keydka
- Difaaca shaqaalaha ee la xiriira COVID-19
- Raac talaabooyinkan fudud si aad uga badbaadiso naftaada iyo tan dadka kale fiditaanka COVID-19 ee goobaha shaqada
Loo adeegsado ganacsiga
Hagaha samaysashada qorshaha u diyaargarowga COVID-19
Amarka Fulinta 20-48 ee uu soo saaray Gov. Tim Walz Abril 30, 2020, wuxuu u baahan yahay ganacsi kasta oo shaqaynaya inta lagu gudajiro xaaladaha deg degga ah ee wakhtiga nabadu in ay hirgeliyaan Qorshaha u Diyaargarowga COVID-19.
Tilmaan bixin
Calaamado
Gargaarka meheradaha yaryar
- Ganacsiyada dhibaato ka soo gaartay COVID-19 waxa ay codsan karaan gargaar oo uu ka mid yahay gargaar maaliyadeed. Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku qoran afka Ingiriisiga ama la soo xiriir Kooxda Caawisa Ganacsatada Yaryar ee 612-673-2499 ama iimeyl [email protected].
Liiska gargaarka
Gargaarka Maaliyadeed
Socdaalka (hijrada)
Ceymiska shaqo la’aanta
Daryeelka caafimaadka
Barta Internetka
Dugsiyada Dadweynaha
Degmada Hennepin
Gargaarka Cuntada
Soo sheeg takoorka iyo eexashada
Ogow wax intaa dheer
Last updated Jan 21, 2021